Qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo lagu doortay Baydhabo.

0
90

Waxaa Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay weli ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare oo ay codeynayaan Xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana doorashada oo saaka bilaabatay ilaa iyo hadda la doortay Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare.

Kursigii ugu horreeyay ayaa waxaa ku tartamay Samsam Ibraahim Cali & Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleystay Sanoter Samsam Ibraahim Cali oo ay heshay 81 Cod, halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay  5 Cod, waxaana halaabay  7.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi & Farxiyo Nuur Aadan, waxaana kusiga labaad ee Aqalka Sare eeka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed ku guuleysatay Ayaan Aadan Cabdullaahi oo heshay 79 Cod  halka Farxiyo Nuur ay heshay Cod  8 Cod.

Kursiga Saddexaad ee Xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah & Maxamed Xasan Aadan, waxaana kursiga ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed  oo helay 80 Cod halka adan Cabdinaasir Maxamed uu helay 6 Cod, waxaana halaabay 6 Cod.