Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

0
118

Qaraxa oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland lagula eegtay degaan ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada iyo saraakiil ka socotay ayaa qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulla lagu Aaso waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa degaannada Cabdala Biroole iyo yaaqraar oo dhaca duleedka Magaalada Kissmaayo.

Wararka laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa miino uu haleelay Gaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland, iyada oo qaraxa ay ku geeriyoodeen laba Sarkaal oo Magacyadooda lagu kala sheegay Xersi Cabdi Cali iyo Cali Shariif halka askar kale ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo baaritaano ka sameeyeen walow aan la xaaiijij inay dad ku qabteen howlgalkaas.