Masuuliyiinta Somaliland ayaa furay biyo cusub oo laga dhisay duleedka magaalada Hargeysa kaasoo ay dhismahiisa fulisay Hay’adda Khaliifa ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Biye xireenkan ayaa waxaa ujeedadiisu tahay sidii looga kaban lahaa xilliyada abaaraha ee Roob yaridu jirto.

Bedka Biya xireenkan waxaa uu la egyahay 150 Mitir halka dherarkiisu uu yahay 11 Mitir,waxaana uu keydin karaa Biyo dhan 350,000 Cubic Mitir.

Dhismaha mashruucan ayaa waxaa uu qaatay 13 bilood sida uu sheegay Sarkaal ka mid ah Hay’adda Khaliifa oo intaas ku daray in mashruucaas uu horudhac u yahay mashaariic badan oo dowladda Imaaraadka Carabta ka fulineyso Soomaaliya.

Biyo xireenkan oo loogu magac daray (Xumbo-weyne) waxaa xariga ka jaray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo wafdi ka socday Hay’adda Khaliifa.

Madaxa fulinta Mashruucan ee Hay’adda Khaliifa ayaa sheegay in Biyo xireenkan oo lagu tilmaamay kan ugu weyn Somalia uu maalinkiiba keydin karo 650,000 oo Caag oo Biyo ah.

   
   

WWW.HIIRAANWEYN.NET