Maxkamadda Dastuurka ee Dalka Koonfur Afrika ayaa dhawaan soo Af-jartay dacwad u dhaxeysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Dacwadan oo soo jiitamaysay muddo shan sano ah ayaa salka ku haysay go’aan Wasaarada Arrimaha Gudaha Koonfur Afrika ay ku doonaysay inay ku xirto Xarumaheeda Sharciyada laga siiyo dadka Qoxootiga ah ee Eastern Cape ku dhaqan.

Sidoo kale, Go’aankan Wasaaraddu ah ku Xirayso Xarumahan ayaa Waxaa ka Hor-yimid Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Qoxootiga dalka Koonfur Afrika.

Hoggaamiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Eastern Cape, Muxyadiin Nuur Jiiley oo Dacwadda iyo Go’aanka Maxkamadda Dastuuriga Koonfur Afrika uga Warramay BBC-da ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Eastern Cape ay yihiin kuwa ugu firfircoon Jaaliyadaha ku nool.

“Go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Afrika ay isugu dayday inay ku xirto xarumaha dadka Qoxootiga ah Sharciyada laga siiyo, gaar ahaan midka ku yaalla gobolka Eastern Cape oo ah kan ugu weyn, arrintaasna way noo cuntami-wayday, waxaana bixinay dadaal badan Allena waa nagu guuleeyay,” ayuu yiri Muxyadiin Jiiley.

Isagoo sii Hadlayay Jiiley ayuu Xusay in Dacwadda Arrintan ay soo Billaabatay 2011-kii, ayna  soo jiitamaysay muddo shan sannadood ah. Wuxuuna intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay doonaysay inay soo reebto xarun keliya.

Mar uu sharraxayay Xarumaha la xirayay ayaa sheegay inay ahaayeen Xarumo ay Dadka Qoxootiga ah sharciyada ka qaataan, kuwaasoo la furay sida uu xusay intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo u Fasaxay Afrikaanka inay dalkiisa soo galaan.

“Runtii Go’aankan waa mid kasoo baxay Pretoria la iskuna soo Af-gartay in Xarumahan la xiro,” ayuu yiri Muxyadiin Jiiley oo ka Jawaabayay Su’aal ahayd Sababta ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Afrika ku doonayso inay ku xirto Xarumahan.

Jiiley oo la weydiiyay su’aal ahayd waxa ku dhiirri-geliyay inay go’aankaan diidaan oo ay ka horyimaadaan ayaa wuxuu ku jawaabay. “Waxaan nagu dhiirri-geliyay maadaama  aan gobolkan ay ku nool yihiin 5,000 illaa 6,000 oo Soomaali ah, Waxaana sidoo kale ku nool Jaaliyadaha illaa 40-waddan oo Afrikaan ah, marka Jaaliyaddeenna ayaa ahayd midda ugu firfircoon ee la aqoonsan yahay. Waxaa noo yimid xubno ka socda Hay’adda UNCHR oo noo sheegay inay Qareen noo Qabanayaan Innaguna aanu daba-orodno Dacwadda illaa inta go’aan cad laga gaaro.”

Ugu dambeyn, Muxyadiin Jiiley Wuxuu Sheegay in Xukuumada Koonfur Afrika ay Afar jeer oo hore ay Racaan ka Qaateen Go’aanno midkan oo kale ah oo Maxkamadaha dalkan kasoo baxay, laakiinse Go’aankan ayaa waxaa ku xusan inaanay mar kale ka qaadan karin Rafcaan, Xarumahanna ay Weligood furnaan doonaan.

Soomaalida_Koonfur_Afrika_660

 

   
   

WWW.HIIRAANWEYN.NET