Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sheekh Cismaan ayaa ka qeybgaley shir caalami ah shirkan ayaa waxaa looga hadleyey diiwaan gelinta, cabirka iyo sahaminta dhulka,wuxuuna ka dhacay shirka magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.
Wasiirka ayaa sheegey in baahi weyn loo qabo diiwaan gelinta arimaha dhulka Soomaaliya laga sameeyo, shirkan oo maanta la soo gebagebeeyey ayaa waxaa uu socdey 4 maalmood, waxaa ka qeybgeley in ka badan lixdan dal oo calaamka ka socday,
Wasiirka howlaha guud ee dowlada soomaalia ayaa sheegey in wasaaradiisa ay u sameyneyso hey’ad u gaar ah sharciyeynta iyo sahaminta dhulka iyadoo la diiwangelindoono dhul kasta noocuu doono ha ahaadee, wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in dhulka ay dowlada leedahay sharcigii lagu maamuli lahaana ay u sameyneyso.