Al-Shabaab oo degmada Diinsoor ku toogtay afar ruux ay ku eedeeyeen howlo basaasnimo

0
334

Xarakada Al-Shabaab ayaa fagaare ku yal degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ku tuugtay ilaa afar ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay howlo basaasnimo ku guda jireen.

Maxkamada Al-Shabaab ayaa raggan ku sheegtay inay u basaasi jireen dowladda Federaalka iyo dowladda Kenya.

Qaadiga Maxkamada ayaa fagaaraha uu xukunkan ka dhacayay ka akhriyay xukunka ay ku rideen raggan iyo inay qirteen dambigooda oo ahaa inay u jaajuusayeen dowladda federaalka iyo dowladda Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raggan qaar ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, waxaana horay Al-Shabaab xukuno dil ah ugu fuliyeen ragg ka tirsanaa oo ay ku eedeeyeen inay hagi jireen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka, kuwaasoo duqeymo ay ka geysteen Soomaaliya ku dilay Hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Hadaba magacyada afarta ruux ee la toogtay ayaa magacyadooda kala ahaa 1- Cali Muuse Cali oo 26-sano jir 2- Xasan Cadaawe Maxamed oo 24-sano jir 3- Cukaash Cali Xaaji oo 39-sano jir lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Kenya 4- Maxamed Nuur Cali Sooyaal oo 40 sano jir ah isna lagu eedeeyay inuu Sirdoonka Kenya la shaqeynayay.

Ma ahan markii u horeysay oo Al-Shabaab ay deegaanada ay maamusho ka fuliso xukuno dil ah, gaar ahaan dadka ay ku eedeeyaan inay u basaasayaan dowladda Federaalka, AMISOM iyo Laamaha Sirdoonka reer Galbeedka.