{DAAWO SAWIRADA} Guddiga Isku Dhafka Ciidamada oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

0
428

Guddiga isku-dhafka ciidamada Soomaaliya ayaa maanta loogu soo xiray Magaalada Muqdisho tababar soconayay muddo shan cisho ah, kaasoo ku saabsanaa qaabka ugu habboon ee looga qayb-qaadan karo isku-dhafka ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, taliyaha ciidamadda xoogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xubnaha guddiga isku-dhafka ciidmaada oo goobta ka hadlay ayaa ballan-qaaday in ay fulin doonaan talada ay siiyeen hoggaanka sare ee dowladda Soomaaliya ee ahayd in Dalka laga hirgeliyo Ciidammo Qaran oo isku-dhaf ah, kuwaasoo oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Dowlada Jen. Daahir Indha-qarshe oo ka hadlay xafladda ayaa xusay in guddigan uu bilow u yahay Soomaaliya inay yeelato Ciidammo Qaran oo xooggan, isla markaana matala Soomaalida oo dhan, kaasoo hirgelintiisa loo xil-saaray guddiga isku dhafka..

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia ayaa isna ku booriyay xubnaha guddiga inay si deg-deg ah uga howlgalaan isku-dhafka ciidamada dalka, isagoo xusay inay qori doonto taariikhda qof walba oo Somali ah ee gacan ka gaysta dhismaha ciidamo oo hal-bowle u ah dhismaha Qaran Soomaaliyeed oo lagu wada kalsoon yahay.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay gacan ka Geystaan dhismaha Ciidamo Qaran, si looga gudbo Caqabadaha laga dhaxlay fowdada iyo dowlad la’aanta soo jirtay muddada rubac Qarniga ah.

Gudiga 1 Gudiga 2 Gudiga 3 Gudiga 4 Gudiga 5 Gudiga 6 Gudiga