Philippe Lazzarini Aya ka hadlay arrimaha bani’aadamnimada iyo xayiraadda xawaaladaha Soomaalida

0
291

 

Philippe Lazzarini ayaa si guud uga hadlay arimaha bani’aadanimada, xiritaanka shirkadihii xawaaladaha, iyo amaanka shaqaaalaha gar gaarka ee ka howlgala Soomaaliya.

Philippe Lazzarini ayaa muujiyay in Soomaaliya ay ka jirto baahiyo dhanka bani’aadanimada ah isla markaana ay tahay in lagu xisaabtamo in weli loo baahan yahay gurmad deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha bulsho badan oo Soomaaliya ku nool kuwaasi oo u baahan adeegyada nolosha aasaasiga u ah.

Wuxuu sheegay in 3 million oo ruux ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo, 740, 000 oo dadkaasi ka mid ah ayaan helin waxyaabaha nolosha asaasiga u ah, waxana ku jira laba boqol oo kun oo caruur ah oo nafaqo darro haysato.

Mr. Lazzarini ayaa dhinaca kale sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay wajahayso caqabado ka dhashay xayiraadda xawaaladaha, Mareykanka, Audtralia iyo Kenya ayaa xiray xawaaladaha Soomaalida, Philippe Lazzarini wuxuuna xusay in boqolkiiba 40 Soomaalida ay ku nool yihiin lacagaha dibadda ah