Afayenka Al.shabaab”Dowlada Imaaradka Carabta Waxa ay Ku Soo Duulen Muqdisho…

0
409

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shekh Cali Maxamuud Raage Shekh Cali Dheere ayaa ku eedeeyay dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta inay kusoo biireen duulaanka lagu soo qaaday Somalia, isagoo xusay inay Muqdisho ka fulinayaan waxyaabo lid ku ah Shareecada Islaamka.

Sh. Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen wafdi ka socda Imaaradka Carabta ayuu sheegay in Imaaraadka ay garab iyo hiil u yihiin dowladda federaalka Somalia iyo AMISOM.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere intaas ku daray in weerarkaas uu ahaa kii ugu horreeyay oo ay la beegsadaan Imaaraadka Carabta, isla markaana sababtii ay u weerareen ay tahay inay yihiin cadaw dagaal ku ah muslimiinta Somalia ku nool.

“Weerarkan wuxuu ahaa midkii ugu horreeyay oo aan la beegsanno wafdi Imaaraadka ka socda, sababtuna waa inay ku biireen cadowga aan dagaalka kula jirno, iyagoo la safan gaallada, kuna bixiya dhaqaale iyo qalab. Waxay horay uga Qayb-qaateen duullaanno lagu qaaday waddamo kal; iyagoo diyaaradahooda ku duqeeyay, sidoo kale innaga Soomaali ahaan weerar iyo guluf ayay nagu soo qaadeen, iyagoo garab iyo hiil u ah ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Sh. Cali Dheere.

afhayeenka Al-shbaaab ayaa ugu dambeyn Shegay in saraakiihii Imaaraadka ka socday ee ay gaadiidka ku weerareen uu khasaare xooggan gaaray, isagoo xusay inay sii wadi doonaan weerarrada ay la beegsanayaan Imaaraadka.