Daawo Alexander Hleb Oo Salaan Ka Qaadi Wayay Cesc Fabregas Islamarkiina Hore Ka Noqday Geesi Arsenal Ah

0
467

Alexander Hleb waxa uu ka tagay Arsenal 2008dii, mana uusan aheyn wax ka badan ciyaaryahan khad dhexe oo iska fiican kaasoo ugu badnaan la jeclaa.

Laakiin waxa uu haatan durbaba isku bedelay halyeey Arsenal ah ka dib markii uu salaan ka qaadi waayay saaxiibkiisii hore Cesc Fabregas.

Taageerayaasha Arsenal ayaa ku soo jeestay Fabregas tan iyo markii uu ku biiray kooxda ay isku magaalada yihiin ee Chelsea, xitaa waxa ay jeexeen boorkiisii ku dhegnaa Emirates.

Haatan ka dib markii uu Hleb u muuqday mid inkiray Cesc ka hor kulankii Belarus iyo Spain xalayto, waxa uu geesi u noqday taageerayaasha Arsenal.