Araaji qabashada Musharaxiinta Madaxtinimada Galmudug oo maanta bilaabanaysa

0
359
Araaji qabashada Musharaxiinta u taagan madaxtinimada Maamulka Puntland, ayaa waxa ay ka bilaabanaysaa maanta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxtinimada Maamulka Galmudug, musharaxiinta waxa ay fursad u haystaan inay Araajidooda ku soo gudbiyaan ilaa berito, oo wixii beri ka dambeeya arimaha doorashada iyo khudbad jeedinta musharaxiinta ayaa la guda galayaa.
Durba waxaa Araajidooda soo gudbiyay qaar ka mid ah musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe, kuwaasi oo u diyaarsan baratanka Madaxweyninimada.
Magaalada Cadaado waxaa ka socota qaban qaabada iyo olalaha kala duwan ee ay wadaan musharaxiinta xilka madaxtinimada Galmudug u taagan.
Sidoo kale waxaa Magaalada ka socota kala jiidashada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, maadaama kuwa codka laga doonaya ay yihiin iyaga.