Baarlamaanka Cusub Ee Galmudug Oo Magacaabay Guddi Doorasho

0
347

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Kulankoodii Labaad  ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu ka socda shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Dhexe,

Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Galmudug ayaa iska dhex doortay Guddi ka kooban 9 Xubnood oo ka shaqeyn doona qaabka ugu wanaagasan ee loo soo dooranayo Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa.

Xildhibaan Nadiif Maxamed Guuleed oo kamid ah Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lagu rajo weyn yahay in 27-da Bishaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug la doorto,iyadoo Madaxweynahana la qorsheeyay in la doorto 4-July ee Bisha Soo socota