Banaanbax Dowladda looga soo horjeedo oo Garoowe lagu wado inuu ka dhaco

0
373
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaa Magaaladaasi ka socda qaban qaabada Banaanbax looga soo horjeedo Dowladda Federalka Somalia.

Xubno ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in banaanbaxaan maanta uu dhici doono, waxaana u jeedada rasmiga ay tahay in looga soo horjeedo Dowladda Somalia iyo sida aysan ugu dhaqmin Dastuurka waa sida ay Puntland ay sheegeen.
Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu wadaa in dad badan oo reer Garoowe ah ay isku soo baxaan oo halkaasi isugu yimaadaan.
Maamulka Puntland ayaa mar waliba dhaliil iyo go’aano adag lasoo hortaagan Dowladda dhexe ee dalka oo ay hoos yimaadaan Maamulada dalka ka jira.
Banaanbax

Puntland arimaha ay wax ka tabanayso waxa ka mid ah Dastuurka, sidoo kale waxa ay si aad ah uga soo horjeeda arinta ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug.