Burcad badeed Soomaali ah oo lagu Maxkamadeynayo Jaziirada Seychelles

0
1004

Maxkamad si gaar ah ula tacaaleysa falalka burcad badeenimada iyo danbiyada ka dhaca Badda kuna taala Jaziirada Seychelles ayaa bilowday dhageysiga Kiiskii ugu horeysay ee Fal burcad badeednimo usbuucaan gudihiisa.
Kiiskaan ayaa la xiriira Maxkamadeynta 5-nin oo Soomaali ah laguna eedeeyay inay ka tirsan yihiin burcad badeeda Soomalida,kuwaasi oo bishii January sanadkii la soo dhaafay gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Badda Faransiiska ka dibna u gudbiyay Seychelles si loogu maxkamadeeyo.

Qaadiga Maxkamada dhageysaneysa dacwada Dhalinyaradaan Soomaalida Gustave Dodin ayaa sheegay inuu yahay kiiskii ugu horeyay ee Maxkamada cusub ka soo muuqdo.

5-ta nin ee ka soo muuqday maxkamada Seychelles,ayaa lagu eedeeyay inay bishii January 17,2014 weerar ku qaadeen Markab siday shixnad Saliid oo marayay gacanka Cadan.

 

Da’da dhalinyaradaan ayaa u dhaxeysa 19 ilaa 22-sano jir,waxayna sugayaan natiijada ka soo baxda maxkamadeyntooda.

Jaziirada Seychelles,ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay si fir fircoon dalalka saaxiibada la ah ugala shaqeyneysay ciribtirka iyo soo qabashada dhalinta falalka burcad badeednimada ka qowleysata.

Sanadihii ugu danbeeyay ayaa hoos u dhac ku imaanayay weerarada ay qaadayeen burcad badeeda.

burcad badeed soomaali ah