Ciidamada Ahlusuna oo saaka la wareegay degmada Dhuusa Mareeb

0
385

Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca ayaa saaka la wareegay degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Ahlusuna oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, kana soo duulaan tagay degmada Guriceel ayaa saaka abaarihii salaadii subax dagaal ku qaaday ciidanka dowladda ee ku sugnaa Dhuusa Mareeb.

Wariye ku sugan Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlusuna ay la wareegeen meelaha muhiimka ah ee magaalada, sida Saldhiga Booliska, xarunta maamulka iyo qeybo kale.

Ciidamada dowladda ayaa wali ka dagaalamaya qeybta looga baxo magaalada ee wadada aada Caabudwaaq, sidoo kale waxaa dagaal uu ka socdaa Guriga Guddoomiyaha Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo hada ku maqan Cadaado.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ahlusuna ku qaado Dhuusa Mareeb, tan iyo markii magaaladaas horaantii sanadkan uu ka furmay shir dib u heshiisiin, lamana oga sababta ka dambeysa weerarkan, iyadoo horay u jiray heshiis laga gaaray dagaalkii Guriceel

Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay degmada Guriceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay, waxaana jiray heshiis ay wada galeen Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga, kaasoo lagu soo afjarayay dagaalka.