Ciidamada Booliska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka sameeyay Afgooye

0
390
Ciidamada Booliska Dowladda Federalka Somalia ayaa howlgal xalay ay ka sameeyeen Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose waxa ay ku soo qab-qabteen dad kala duwan oo Shabaab lala xiriiriyay.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Xaafadaha Xaawo Taako iyo Dhagaxtuur, waxaana Booliska ay soo qabteen dad dhalinyaro ah oo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka lagu eedeeyay.
Taliyaha Saldhiga ciidamada Booliska Degmada Afgooye Amiin Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay ay gaarayaan ilaa 20-ruux oo dhalinyaro ah.
Wuxuu sheegay in dhalinyaradaan la baarayo cidii dambi lagu helo laamaha ammaanka Dowladda loo gudbinaayo, cidii kalena lasii deynaayo.
Afgooye todobaad ka hor waxaa dagaal culus ku soo qaaday ciidamada Ururka Al Shabaab oo Magaaladaasi ku dilay ciidan badan oo Booliska ka tirsan.
howlgal