CR7, Lewandowski, Wilshere Iyo Ozil Oo Hogaaminaya Kooxda Isbuucaan Ugu Fiicneyd Isreebreebka Euro 2016

0
390

Ka dib markii la ciyaaray wareeg xiiso leh oo isreebreebka Euro 2016, shabakada caalamiga ee Goal ayaa soo xushay kooxdii ugu fiicneyd ee kulamadii la ciyaaray isbuucaan, iyagoo ku soo xulay shax ciyaareedka 3-4-3

ANDREY GORBUNOV | Belarus | Goolhayaha ayaa ahaa mid inta badan ilaashada shabaqiisa guuldaradii ciriiriga aheyd ee ka soo gaartay Spain.

KASPARS GORKSS | Latvia | Inkastoo xulka martida loo ahaa ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay Netherlands, waxa ay ahaayeen kuwa adag inta badan ciyaarta, kabtanka ayaa ahaa wadnaha daafaca isagoo Klaas-Jan Huntelaar ka dhigay mid muuqbeelay.

ASHLEY RICHARDS | Wales | Inkastoo uusan qibrad badan u laheyn kulamada heerka caalami, daafaca ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed adag, waxaana uu iska caabin ku sameeyay weerarka Belgium kulankii ay ka badiyeen.

LEONARDO BONUCCI | Italy | Daafaca dhexe ayaa ahaa hogaamiyaha daafaca Azzurri kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Croatia, waxaana uu koontaroolay dhaqdhaqaaqa xulka martida loo ahaa.

ANTONIO CANDREVA | Italy | Xiddiga kooxda Lazio ayaa soo bandigay qaba ciyaareed geesinimo leh oo laga xusi karo rigooradii Panenka ee uu dhaliyay, laakiin wax intaas ka badan ayuu qabtay isagoo xureystay garabka midig islamarkaana doqomo ka dhigay daafacyada Croatia dhowr jeer.

MESUT OZIL | Germany | Andre Schurrle iyo Max Kruse ayaa qaadan doona amaanta kulankii ay Jarmalka 7-0 kaga badiyeen Gibraltar laakiin saameynta Ozil la iska indhortiri karo. Xiddiga Arsenal ayaa caawiye ka ahaa seddex gool waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed shaqsiyadeed oo aad u sareeya.

JACK WILSHERE | England | Xiddiga khadka dhexe ayaa muhim u ahaa kooxda Three Lions isagoo dhaliyay labo gool oo cajiib ah kulankii ay xalayto 3-2 kaga badiyeen Slovenia.

ANDRE SCHURRLE | Germany | Weeraryahanka Wolfsburg ayaa ahaa mid shidan kulankii habeen hore isagoo seddexleey dhaliyay islamarkaana guul weyn ku hogaamiyay xulka heysta Koobka Adduunka.

CRISTIANO RONALDO | Portugal | Xiddiga sannadka adduunka ayaa dhaliyay seddexleey kulankii ay Portugal 3-2 kaga badisay Armenia.