{DAAWO SAWIRADA} Al Shabaab oo soo bandhigtay saanad militari Iyo Meydad Ay Ku Shegeen In Ay AMISOM Kadilen

0
314

Ururka Al Shabaab oo ka soo horjeedo joogitaanka dalka ee Ciidamada Amisom, ayaa waxay soo bandhigeen muuqaalo muujinaaya saanad militariga, oo ay ka qabsadeen Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan Amisom.

Al Shabaab oo dagaal culus Ciidanka Itoobiya kula gashay deegaanka Buulo Jameeco, oo dhaca duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ayaa muuqaalada ay soo bandhigtay waxaa kaloo ka soo muuqday meydad askar Itoobiyaan ah iyo tiro gaadiidka dagaalka ah, oo sida ay sheegeen ay dagaalka kaga gubeen.

Al Shabaab, ayaa sheegtay inay dagaalkaasi ku gubtay 13 ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidanka Itoobiya, halka ay si buuxdo kaga qabsatay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman.

Dagaalkan oo dhacay 11-kii bishan, ayay Madaxda Al Shabaab Warbaahinta u sheegeen inay ku dileen in ka badan 33 ka mid ah Ciidanka Militariga Itoobiya.

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab oo dagaalkaasi ka hadlaayay, ayaa sheegay inuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee Ciidanka Itoobiya la galaan.