{DAAWO SAWIRADA} Arday Ka Qalin Jabisay Dugsiga Al Hudaa Ee Magalada Baladweyne

0
587

Xaflad ay ku qalin jabinayen in kabadan Sedeetan iyo laba Arday oo dhamestay Barashada dugsiga sare ee Al.Huda ayaa lagu qabtay Magalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxana kasoo qeyb galen Xaflada Bahda Waxbarashada Waalidiin iyo Culimaadiin.
Qaar kamid ah marti sharaftii lagu casumaya Xaflada ee ka soo qeyb galay ayaa ka shekeyay faaidada ay ledahay wax barashada iyagoo ugu baaqay Ardada ka qalin jabineysa Dugsiga dhexe sare ee Al.uda in ay kusii Dadaalaan Waxbarashada.
Maamulaha Dugsiga dhexe sare ee Al.Huda Ustaad Qaalid oo ka hadlay xaflada ayaa shegay in dafcadaan ay tahay dafcadii sadaxaad ee ka qalin jabisa ischolka Al.huda tan iyo Markii la aas aasay waxana uu ku dhiiri giliyay Ardada iney sii wadaan wax barashadooda.
Xaflada oo aheyd mid si her sara ah loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay riwaatad ka turjumeysa waxbarashada faaida ay ledahay iyo qofka wax barta iyo kana an wax baran farqiga u dhaxeya taa oo ay siweyn usoo jiidatay Marti sharaftii ka qeyb gashay Xaflada.
Ugu dambeyn Qaar kamid ah ardada ka qalin jabineyso ischolka dhexe sare ee al.huda oo la hadlay warbaahinta Hiiraanweyn ayaa ka hadlay daren kooda waxana ay shegen iney aad ugu faraxsan yihiin ka qalin jabinta Dugsiga Sare ee Al.huda.

Al Huda (12) Al Huda (17) Al Huda (18) Al Huda (13) Al Huda (15) Al Huda (14) Al Huda (16) Al Huda (19) Al Huda (20) Al Huda (21) Al Huda (10) Al Huda (7) Al Huda (4) Al Huda (3) Al Huda (6) Al Huda (2) Al Huda (1) Al Huda (9) Al Huda (11)

 

Sawir Qaade Cabdi Wali Xuseen {Tawakal}