{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dhigiisa Uganda Kula Kulmay kampala

0
536

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta Baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda la qaatay dhiggiisa Uganda.
Kulankaan oo ka dhacay dhismaha Baarlamaanka Uganda ayaa Waxay Afhayeennadu uga Wada-hadleen halka uu marayo Xiriirka iyo is-kaashi ee Baarlamaannada labada Waddan, waxaana si gaar ah loo eegay hirgelinta heshiiskii ay Kampala ku kala Saxiixdeen Labada Guddoomiye Baarlamaan Bishii Ogoosto ee Sannadkii 2013-kii.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey Guddoonka iyo Baarlamaanka dalka Uganda Hir-gelinta Heshiiskii ay horay u kala Saxiixdeen Labada Baarlamaan, kaasoo Fulintiisa ay ka mid ahayd Qibrad Is-weydaarsiga Labada Baarlamaan iyo Tababbarrada ay Dalka Uganda ku Qaataan Guddiyada iyo Howl-wadeennada Baarlamaanka Somalia.
Geesta kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, Hon Rebeca Kedega oo Kulanka hadal ka jeedisay ayaa iyadana Bogaadisay Hormarrada uu Baarlamaanka dalka Soomaaliya ku tallaabsaday, waxayna ballan-qaaday inay sii xoojinayaan Taageerada, Xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya.
Ku simaha danjiraha Somalia ee dalka Uganda ahna Xog-hayaha koowaad ee Safaaradda, Cali Qadar oo markii uu kulanku soo dhamaaday la Hadlay Warbaahinta ayaa xusay in Kulanku uu la xiriiray waxa ka Hir-galay Heshiiskii hore iyo Sidii loo sii Xoojin lahaa Wada-shaqeynta labada Baarlamaan u dhaxeeya.
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Jawaari ayaa Magaalada Kampala kula kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Waddamada Rwanda, Isu-tagga Golaha Baarlamaanada dalalka Bariga Afrika iyo weliba ergayga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka Jawaari.1JPG Kulanka Jawaari.2JPG Kulanka Jawaari.3JPG Kulanka Jawaari.4JPG Kulanka Jawaari.5JPG Kulanka Jawaari.6JPG Kulanka Jawaari