{DAAWO SAWIRADA} Kuleylka Ka Jira Dalka Pakistan Oo Sababay Dhimashada In Kabadan….

0
748

Wadanka Pakistaan waxaa ka jiray kuleel aad u daran , waxaana kuleelka hada ka jira Dalkaasi heerkulkiisi gaaray halkii ugu xumaa tan iyo waxii ka dambeeyay sanadii 1979-kii.

In ka badan 800-qof ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen kuleelka daran ee xiligan ka jira Dalka Pakistaan, waxaana kuleelka ugu daran ay dadka badan ku dhinteen uu ka jiraa Magaalada ugu dadka badan Pakistan ee Karachi halkaas ay kunool yihiin dad ka badan 20 milyan oo qof.

Magaalada Karachi waxaa kuleelka owgiis ugu geeriyooday dad gaaraya 780-qofood, waxaa sidoo kale elsewhere oo iyana katirsan dalka Pakistaan kuleelka ugu geeriyooday dad gaaraya 30-qof, waxaa sidoo kale jira dad badan oo liita kuwaa oo buux dhaafiyay Goobaha Caafimaadka .

Maalintii Axada Heerkulka Magaalada Karachi ayaa gaaray 43C, waxaa sidoo kale Magaalo kutaala Xadka ay wadaagaan Pakistaan iyo Iiraan oo lagu magacaabo Turbat heerkulkeedu gaaray 49C, sida ay sheegeen Saraakiil katirsan hay’adda saadaasha hawada ee Dalka Pakistan.

Dadka ugu badan ee Kuleelka ku dhintay ayaa u badan dadka danta yar ee kunool meelaha banaanka ah aana awoodin in ay qoraxda ka galaan guryo qaboojiyaal leh, waxaana dadka ku dhacay Dhiigkar , Madax wareer, halka dadka qaarkoodna ay ba qorxdu indho tirtay.

Waxaa Cariiri noqotay Korontada Magaalada Karachi oo lasoo sheegayo in xiliyada qaar awood yari darteed ay la dameyso kadib markii ay Matoorada xamili waayeen isticmalaka xaddhaafka ee Qaboojiyaasha.

Dalka Hindiya ayaa kuleelkan oo kale bishii hore waxa uu dalkaasi ugu dhintay dad kor u dhaafaya 2-Kun oo qof, waxaana Kuleelka Dalka Hindiya ka jiray uu sababay xitaa in ay Laamiyada qaar ee dalkaasi ay dhalaalaan.

Pakistan.1jpg Pakistan.2jpg Pakistan.3jpg Pakistan.4jpg Pakistan.5jpg Pakistan.6jpg Pakistan.7jpg Pakistan