{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha oo kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga dugsiga sare

0
414

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Wasaaradda Waxbarashada hirgelinta imtixaanka mideysan ee shahaaddada dugsiga sare oo si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo habsami u socodka imtixaankaasi maanta ku tegey dugsiga Yaasiin Cusmaan oo ka mid ah goobaha imtixankaasi uu ka dhacayo.

“Waa bilow fiican, waxaana rajeynayaa in mustaqbalka ay wasaaradda ku guuleysato inay si habsami leh u maareyso imtixaanaadka heerka qaran oo dhan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerka ku jirey waxaa uu warbixin ku saabsan qaabka uu imtixaanka u socdo ka dhegeystey Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali.

Waa markii ugu horeysay muddo 25 sano ah oo ay dowladdu qaado Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga Dugsiga Sare, iyadoo sanadkan ay u fariisteen illaa 7-kun oo arday.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed weerar (2)