{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Shirkii Golaha Wasiirada

0
384

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay kulanka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa khudbad uu kulanka ka jeediyay ka warbixiyay hawlaha dowladda ee dhismaha maamullada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo diyaarinta barnaamijka Hiigsiga 2016.

“Dhismaha maamullada meel fiican bay marayaan. Horumar muuqda ayaa ka jira shirka socda Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe. Waxaa xigi doona Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogol-xaarka iyo wadatashiyo lagu jiro. Dabcan arrimaha maamulka Jubba iyo tabashooyinka ka dhashey dhismaha baarlamanka iyaguna waa lagu guda jiraa, waxaana filayaa in Guddiga golaha wasiirrada ee loo saarey arintaasi ay dhowaan xal ka gaari doonaan.’’

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in golaha wasiirrada looga fadhiyo inay dardargeliyaan barnaamijyada horumarinta dalka, isla markaana ay jiri doonto isla xisaabtan si hawlaha qaranka ay u najaxaan.

Shirka Golaha wasiirrada ayaa waxaa kale oo looga hadley arrimo kale oo ay ka mid yihiin hawlagallada amniga, xasilinta dalka iyo qabsoomidda imtixaanka mideysan ee shahaaddada dugsiga sare.

Golaha Wasiirada Golaha Wasiirada.4jpg Golaha Wasiirada.1jpg Golaha Wasiirada.3jpg