{DAAWO SAWIRADA} R/Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulamay Mas’uuliyin Ka Tirsan Wasaarada Difaaca Mareykanka

0
331

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka kula kulmay Xarunta Pentagon-ka.

Kuxigeenka Xoghayaha Difaaca Mareykanka Bob Work, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka amniga ee uu Mareykanka siiyo Soomaaliya.

Mr’ob Work Kuxigeenka Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay guulo ka gaareen dagaalka ay la galeen Shabaab, waxaana uu xusay inay sii xoojinayaan taageerada ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM.

Geesta kale waxaa ay labada dhinac ka hadleen arrimaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah Ciidanka Danab oo qeybta ka ah Kumaandooska oo ka tirsan ciidanka xooga dalka, waxaana la tilmaamay in qorshuhu yahay in la tayeeyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan Mareykanka waxaana Ra’iisul Wasaaraha uu ka qeyb galay kulanka golaha ammaanka Qaramada Midoobey oo looga hadlay xaalada Soomaaliya.

SHAR