{DAAWO SAWIRADA} Wasaarada Warfaafinta Oo Laga Saaray Shaqaalihii Deganaa Wasaarada

0
441

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tan iyo markii uu qabtay Xilka Wasaarada waxaa uu waday  Isbadal lagu sameenayo Shaqaalaha iyo Xilalka Mas’uuliyiinta Wasaarada Warfaafinta.

Isbadalka uu sameyay Wasiirka Warfaafinta ayey waxaa ay Saameyn ku yeelatay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada warfaafinta oo Xilalkii laga qaaday iyo Shaqaale ka tirsan Wasaarada oo Shaqada laga Joojiyay.

Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta Wasaarada ka saaray Shaqaalihii Dhex degenaa Wasaarada kuwaas oo Mudo Dhor Sano ah degenaa wasaarada si ay ugu Amaan helaan.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta ayaa shaqaalaha Deganaa Wasaarada Banaanka u soo dhigay Boorsooyinkii iyo Joodariyadii  ku waa oo degenaa Xarunta waxaana ku jira Dadkaasi Mas’uuliyiin Xilal ka haya Wasaaradda oo aan ka gaabsanay in aan Magacooda sheegno.

Shaqaalaha Warfaafinta.1jpg Shaqaalaha Warfaafinta.2jpg Shaqaalaha Warfaafinta.3jpg Shaqaalaha Warfaafinta.5jpg Shaqaalaha Warfaafinta