Danjire Kay oo u jeediyay Ahlu Sunna inay ka baxdo Dhuusamarreeb

0
325

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa u jeediyay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe inuu ciidankiisa kala baxo magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ciidanka Ahlu Sunna ayaa Axaddii la soo dhaafay waxay kala wareegeen gacan ku haynta magaalada ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Danjire Kay ayaa war qoraal ah ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda ee gobolka inay xushmeeyaan heshiis xabbad-joojin ah oo lagu gaaray magaalada Guriceel horraantii March ee sanadkan.

Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la dhiirri-geliyo nabadda iyo shirka ka socda Cadaado ee maamulka loogu dhisayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.