Deg Deg:- Ciidamada AMISOM oo iskaga baxay Leego

0
362

Wararka ka imaanaya Degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaalya ay Saaka iskaga baxeen Degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Maalmo ka hor Al-shabaab ay Dagaal ku qabsadeen.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay Fariisin ka sameeysteen Degaank ilaa 5KM u jira Degaanka Leego.

Saraakiil ja tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Noo Xaqiijiyay in Ujeedka uu yahay Cabsi Ciidamadu ay ka qabaan Weeraro kale oo Al-shabaab uga yimaada.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Shalay Gabal gaabkii la wareegay Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose,balse Saaka ay dib uga gurteen.

Xarakada Al-shabaab ayaa Weerar ay ku qaadeen xarunta Ciidamada AMISOM ee Leego waxaa ay ku dileen ku dhawaad 50 Askari oo u dhashay dalka Burundi,iyagaano sheegtay in ay 70 Askari yihiin Ciidamada ay Dileen.