{Dhageyso} Kulan Loga So Horjeedo Dulaanka liyuu Booliska Oo Baladweyne Lagu Qabtay

0
405

Kulan Loga Hadlayay Dhibadata Ay Ciidamada Liyuu booliska ku hayaan dadka Xooladhaqatada Ee Gobolka hiiraan ayaa manta lagu qabtay magalada baladweyne,

Kulanka oo ay Ka soqeyb galeen  qey baha bulshada  sida dhalin yarada haweenka  haweenka  odayaal dhaqameedyo maamulka Dagmada baladweyne  waxana loga hadlayay dhibaatooyika ay ku hayaan dadka  kunool tuuloyinka  ku teedsan xadka ay wadaagaan hiiraan iyo Dhulka ismaamulka itoopiya ,

Qaarka kamid  dadkii kulnka kahadlay ayaa ku Godiyay hadii dowlada itoopiya ay wax kaqan wayso ciidamada  dhibatada ku hayo dadka shacabka  in ay jawaab laga dareemo gudaha itoopiya ay bixin doonaan  waxana ay shegeen in masuliyada ay qaadidoonto dowlada itoopiya oo hubka uso dhiibatay maleshiyaadka liyuu booliska,

Gudoomiye Ku xigeenka maamulka Dagmada baladweyne bashiir xuseen dhoore  ayaa shegay in xasuuqa  iyo barakicinta usan hada bilaabanin  hayeeshee  la isalahaa dowlada itoopiya ayaa wax kaqabaneyso,

Duqada Dagmada Baladweyne Cumar aadan deeqow {BAADIYO} ayaa shegay in arintan  ay tahay mid lagu so dulay shacabka gobolka hiiraan islamarkana ay jawaabtii kaga adaneed ay bixinayaan dagaalka ay so qaadeen libuu booliska,

Kulanka loga hadlayay dhibatada  ciidamada liyuu booliska ayaa waxaa ay ku so beegmeysaa xili  shalay u dhacay dagaal u dhaxeeyo  dadka degaanka iyo liyuu booliska taas oo sababtay qasaaro iskugu jira dhimasha iyo dhawac,