{DHAGEYSO} Shirkii Cadaado Oo Manta Kuso Dhamaday Buuq Iyo Foowdo Kadib Marki….

0
417

Shirki cadaado kasocday ayaa manta waxaa uu isku badalay buuq iyo sawaxaan iyado shirka manta uu kuso dhamaday mid anaan miro dhal kaso bixiin.

Ergooyinka qaar ayaa lagu soo waramayaa inay kuraas ku weerareen Gudoomiyaha gudiga Farsamada Xaliimo Yarey iyo tiro Odayaal ah oo iyadu taageersanaa.

Ergooyinka qaar ayaa ka biyo diiday qaadashada Dastuurka cusub waxa ayna halkaasi ka sameeyen foodo sababtay inuu hakat ku imaado socoshada shirka.

Wariyaha Hiranweyn Ee Cadaado Deeqo Abukar Jinoow Ayaa Kuso Waramaysa In Shirka uu istaagay waxaana hoolka uu shirka ka socda soo buux dhaafiyay Ciidamada amaanka oo iyagu raadinaayay xal lagu badbaadinaayo Gudoomiyaha Gudiga farsamada oo iyadu kuraasta lagu soo weeraray.

Gudiga farsamada oo cod dheer ku qeylinaayay ayaa hoolka ka sheegay in shirka uu manta yahay mid xiran islamarkaana leysugu imaan doono maalinta bari ah.

halkan hoose ka dhageyso.