Dowlada Kenya’ Madiiwaan Gilib Dona Ardada Ka Imaaneyso Soomaaliya Iyo Itoobiya

0
398

Dowladda Kenya ayaa Amar ku bixisay inaan la Diiwaan-gelin karin wixii hadda ka dambeeya Ardayda ka Tallaaba Xadka ay la Wadaagto Somalia iyo Itoobiya, iyadoo Arrintan lagu sheegay inay xiriir la leedahay Arrimaha Amniga dalka Kenya.

Ismaaciil Barrow Agaasimaha Waxbarashada Magaalada Mandheera oo la  hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in amarkan uu yahay mid cusub oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada dalka Kenya, kaasoo dhaqan-galaya Maanta oo Axad ah.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay inuusan ogeyn Sababta Amarkan ay dowladda Kenya u soo saartay, laakiinse uu filayo inay xiriir la leedahay Arrimaha amniga Kenya, wuxuuna xusay inaan la sheegin in go’aankan uu sidaan ahaan doono iyo in wax laga bedeli doono.

Arday fara badan oo Soomaaliyeed oo ka tallaaba subax walba xadka ay Kenya la leedahay Somalia ayaa wax ka barta iskuullada dowladda Kenya ee Mandheera ku yaalla, iyadoo ay tallaabadani tahay mid cusub oo ay Dowladda Kenya Qaadday.

Agaasimaha Waxbarashada Mandheera ma uusan sheegin tirada ardayda ka tallaaba Xuduudaha Somalia iyo Itoobiya ee haatan wax ka barta Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.