Ergada Ka Qeyb Galeysa Shirka Cadaado Oo Edeyay Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Gudiga Shirka

0
406

Ergooyinka ka Qayb-galaya Shirka Cadaado ka socda ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Farsamada shirka inay marin-habaabinayaan shirka maamulka loogu dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Shir jaraa’id oo ay Xubnahan ku Qateen Cadaado ayaa Dalbaday in loo Ergada Shirka loo madax-banneeyo howlahooda oo aan faragelin lagu sameyn, lana joojiyo cadaalad-darrada lagu sameynayo beelaha qaarkood.

Ergooyinka qaarkood ayaa sidopo kale sheegay inay jiraan ergooyin aan sax ahayn oo la siiyay kaarar been-abuur ah. Taasoo sababtay bay yihraahdeen in sidii uu ku socday shirka uu ku yimaado jahwareer.

Xubnaha shirka ka qaybgalaya ayaa dhawaan isku khilaafay dastuurka maamulkaas uu yeelanayo oo qabyo ahaan loogu qaybiyay si ay uga soo talo-bixiyaan, iyadoo ay tani qayb ka tahay murannada shirkan caqabadda ku noqday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Odawaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Cadaado, kuwaasoo dadaal ugu jira sidii ay shirka ugu soo biirin lahaayeen beelo ka maqan.