Faah faahino ka soo baxaya weerar lagu qaaday xarunta Shirka Cadaado

0
351
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan weerar ismiidaamin ah oo goordhow lagu qaaday xarunta uu ka socda shirka maamul u sameynta gobolada dhexe oo la yiraahdo Kafaalo.

Sida ay soo sheegayaan wariyaasha ku sugan Cadaado,weerarka ayaa ku bilowday ismiidaamin ka dibna waxaa xigay weerar toos ah oo daqiiqado socday.

Mid ka mid ah kooxihii weerarka qaaday oo afar ahaa ayaa is qarxay halka seddexda kale la sheegay in la toogtay,waxaana hada goobta uu weerarka ka dhacay oo ahayd afaafka hore ee Xarunta Kafaalo ay tahay mid degan,islamarkaana gacanta ay ku hayaan Ciidamo Ethiopian oo horay xarunta amaankeeda u sugayay.

 

Waxaana la xaqiijin Karin qaasaaraha weerarka ka dhashay marka laga soo tago kooxaha weerarka soo qaaday oo afar ahaa in la dilay.

Qaar ka mid ah Wariyaasha oo tagay Cisbitaalka magaalada ayaa soo sheegaya in ilaa iyo hada wax dhaawac ah cisbitaalka la soo gaarsiin.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay weerarka,Xaalada magaalada ayaa hada mid degan.