Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo Bisha Ramadaan Aawgeed dib u dhigay xuska maalinta Olympikada Aduunka

0
356

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghaynta GOS ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay u Dabaal dagila Maalinta Olmypic da oo ku astaysan maanta 23 june

Maanta oo kale 1894 ayaa maagalada Paris ee dalka faransiiiska lagu aasaasay hey’ada Olombidka Aduuunka IOC, waxaana sanad kasta dalalka caalamlka ee ku midaysan IOC oo ay Soomaaliya ka mid tahay ay qabtaan ciyaaro lagu xusayo maalintaas

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa sida ku astaysan  Maalintaas ciyaaro kala duwan ku Qabta caasimada dalka si loo weyneeyo maalintaas qiimaha leh waxaana ka qayb qaata xiriirada Hoos yimaada GOS

Maadaama ay sanadkan munaasabada ku soo aaday bisha Ramadaan waxay GOS xiriir la Samaysay Xiriirka Olombikad Aduunka  (IOC)  waxayna iyada oo la xurmaynayo bishan GOS Iyo  IOC ay  isla garteen in 23 july ee bisha soo socota laga dhigo xuska Maalintaan

Udabaaldagida maalintan ayay guddiga Olombiakda Soomaaliyeed ee GOS u qabtaan ciyaaro Kala duwan oo ay qayb ka yihiin ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka waxaa sanadkan la filayaa in Xaflad balaaran lagu qabto caasimada dalka ee Muqdisho.

Waa marki ugu horeysay oo GOS ay dib u dhigaan munaasabada xuska Maalinta Olombikada Aduunkan 23 June  waxayga sabab looga dhigay  xurmaynta bisha barakaysan ee Ramadaan.