Hay’adaha Sirdoonka Dowlada Mareykanka Oo Basaasay Madaxweynayaal Faransiis ah

0
334

Hey’adda Sirdoonka Dalka Mareykanka ee NSA ayaa la sheegay inay basaastay Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo labo Madaxweyne isaga ka horeeyay oo kala ahaa Nicholas Sarkozy iyo Jacques Chirac.

Sida ay daabacday Shabakada WikiLeaks oo horay u soo bandhigtay macluumaad loo dusiyay oo ku aadanaa document-yo la xiriiray sida Hey’adda Sirdoonka Mareykanka u basaasaan Madaxda dalal ku yaal Caalamka.

Warbixintan ay daabacday WikiLeaks ayaa muujinaya in intii u dhaxeysay 2006 illaa 2012 Mareykanka uu basaasayay Madaxda Faransiiska, iyadoo la dhageysan jiray Taleefanadooda.

Mid ka mid ah Document-yada uu WikiLeakes baahiyay waxaa ka mid ah, in Madaxweyne Hollande uu sanadkii 2012 uu qabtay shirar ku aadan sida suurta gal u yahay in dalka Greece laga saaro Yurub, sidoo kale 2011 ayaa Madaxweynihii hore ee Faransiiska Sarkozy uu isku dayay inuu bilaabo wadahadaladii Nabadda ee u dhaxeeya Israel iyo Falastiiniyiinta, iyadoo aanay Mareykanka laga qeyb gelin.

Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijin iyo docment-yada la soo bandhigay, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Mr Hollande uu shir deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Amniga.