Heegan la geliyay Ciidamada amniga Soomaaliya Kadib Amarkii Wasiirka Amniga Soomaaliya

0
352
asiirka amniga gudaha xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya si looga foojignaado weeraro Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.Wasiirka amniga gudaha ayaa tilmaamay in taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad sugida xilliyada habeenkii ay sameeyaan howlo kormeer ah si loo ogaado hanaanka ay u shaqeeyaan ciidamada amniga.

Heeganka la geliyay ciidamada amniga ayuu Wasiir C/risaaq ku micneeyay inay tahay sidii looga hortagi lahaa suurta galnimada weerar Al-shabaab ay ka geystaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho,islamarkaana u qal qal gelin lahaayeen dadka maalintii oo dhan Sooman,sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa xalay howlo kormeer ah ku sameeyay qaar ka mid ah isgooysyada ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ugu kuur galiyeen xaalada amni.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo bandhigtay ciidamo Boolis ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga Muqdisho inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada Bisha Ramadaan.

 

So dhaweynta Wasiirka amniga soomaaliya ee baladweyne  (10)