Kulan lagu Lagu Soo Dhaweeynayay Maamulka Cusub Oo Baydhabo Kadhacay

0
362

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan lagu taageerayay maamulka cusub ee gobolka iyo kan degmada uu dhowaan u magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galeed Soomaaliya.
waxaana ka soo qeybgalay wasiiro ka tirsan dowladda goboleedka Koonfur galeed iyo xubno ka socday ururada bulshada rayid ee ka jir magaalada Byadhabo, iyadoo ay goob joog ahaayeen gudoomiyaha cusub ee gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo ahna duqa magaalada.
Gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Maxamed Isxaaq Ari-Case oo kamid ahaa mas’uuliyiintii kulan ka hadashay ayaa dadka ku dhaqan gobolka Baay ku booriyay in ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub isagoo sidoo kalena mamulka cusub ka codsaday in ay ku dadaalaan sidii maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab looga sifeyn lahaa guud ahaan gobolka..
Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Koonfur galeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan C/raxmaan Sate oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xubnaha cusub ee maamulka gobolka Baay looga baahanyahay in ay ku dadaalaan wax u qabashada umadda ay madaxda u yihiin isla markaana ayaga wada shaqeyn dhow yeeshaan.
Sidoo kale wasiirka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay ciidanka Amniga oo xalay fashiliyay isku day maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dilaan haweenay u dhaq dhaqaaqda arimaha bulshada oo hoygeeda oo ku yaala xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo ay ku soo waarareen kooxdaasi.