Macalimiin Kenyan ah oo shaqadoodii uga tagay cabsi ay ka qaadeen Al-shabaab

0
360
Inka badan oo 2,000-macalin ayaa ka cararay deegaanada iyo degmooyinka ku yaalo gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ka dib markii ay ka baqeen inay saameeyn ku yeeshaan weerarada Al-shabaab ka geysanayaan deegaanadaasi.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya caqabada ugu weyn ee hada Macaliinta goobaha Waxbarashada ka dhigta gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa lagu sheegay inay tahay cabsi ay ka qabaan in Al-shabaab ay dilaan ama ay afduub u geystaan.

Waxaana taasi ay sababtay in Macalimiin gaareysa 2,000 ay ka cararaan aaga,iyagoo u cabsanaya noloshooda sababo la xiriira weerarada Shabaabku ay geysanayaan.

Ku dhawaad daraasiin goobo waxbarasho ah (School),ayaa la xiray oo ku yaalay gobolka Waqooyi bari Kenya,waxaana ardayda ka soo jeeda Qoysaska Ladan kaliya awood u yeesheen inay Waxbarashadooda meelo kale oo nabdoon ka sii wataan halka ardaydii kale ee Qoysaska saboolka ka soo jeeday Waxbarasho la’aan ay yihiin.

Weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan deegaanada xuduuda ay kala wadaan Kenya Soomaaliyaayaa cabsi ka dhex abuuray Bulshada rayidka iyo Maxalimiinta,kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ah ka yimaadeen goobo kale oo ka tirsan Kenya.

Labo ka mid ah weeraradii dhacay Lixdiibilood ee la soo dhaafay ayaa saameyn aan wanaagsaneyn ku reebay Macalimiinta una diiday inay dib ugu soo laabtaan deegaanada Waqooyi bari Kenya.

Ururka A;-shabaab ayaa Bishii April ee la soo dhaafay weerar xoogan ku qaaday Jaamacad ku taalo magaalada Gaarisa,halkaasina ku dilay ku dhawaad 148-Qof.