Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Oo ka Tacsiyadeeyay Geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Masalle

0
308

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyska, ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum G/lle Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ka mid ahaa xubnihii dowladdii hore ee milatariga ee dalka ka jirtey.

‘’Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay geerida marxuumka. Waxaa uu ahaa shakhsi wax badan dalkiisa u soo qabtey. Waxaa lagu xusuusan doonaa doorkii weynaa ee uu ka qaatey mashaariicdii horumarinta ee dowladdii hore ee milatariga ay ka fulisey Soomaaliya. Ilaahay waxan uga baryayaa naxariistii janno inuu ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii u ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha

Marxuumka oo shalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britain ayaa dowladdii milatariga ka soo qabtey xilal kala duwan, isagoo ahaa Kaaliyihii Xoghayaha Guud ee Xisbigii Hantiwadaagga, guddoomiye hoggaannada xisbiga iyo xubin ka tirsan golaha wasiirrada.