{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Furay Kalfadhigii 35 Ee Baarlamanka Maamulka Puntland

0
391

Madaxweynaha Maamulka Puntland C.weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhigii 35-aad ee Baramaanka Puntland, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen xubno sarsare oo ka tirsan Golayaasha Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shirre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in baarlamaanka ay horyaallaan qodobo muhiim ah oo kala ah xisaab xirkii 2014-ka dib u eegista miisaaniyadda 2015-ka, xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo walba tan arimaha bulshada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay waxqabadka xukumaddiisa lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax badan ka qabtay sideed qodob oo muhiim ah oo kala ahaa.

  1. Dib u habaynta hay’addaha ammaanka Puntland
    2. Hirgalinta xarumo Boolis
    3. Dhismaha bakhaaro lagu hayo hubka.iyo joojinta hubka sharci darad ah.
    4. Ka hortagista tahriibka iyo furitaanka xafiis ku shuqul leh arintaas.
    5. Ka hor taga falalka argagaxisada.
    6. Hagaajinta nidaamka maaliyadda Puntland.
    7. Dhagax dhiga wadada isku xiri doonta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.
    8. Balaarinta Dekada magalada Bosaso.

Madaxweyne C/weli Gaas oo khudbaddiisa ay qaadatay muddo ku dhow hal saac ayaan soo hadal qaadin isku-shaandhayn la sheegay in lagu samayn doono wasiirada Puntland, xilli arintan si aada ah looga hadal hayo gudaha Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa Sidoo kale walaac ka muujiyay nidaamka Federaaliisimka Somalia, wuxuuna xusay inuu maamulkiisa ka fiirsanayo arintaas hadii wax ka badal lagu sameeyo dastuurka dalka Soomaaliya.

Kalfadhiga.1jpg Kalfadhiga.2jpg Kalfadhiga

Gaas