Madaxweyne Ku Xigenka Burundi Oo U Baqay Naftiisa Kadib Markii Loo Hanjabay….

0
287

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Burundi Gervais Rufyikiri ayaa u cararay Belgium kadib markii uu noloshiisu u baqay kaddib Hanjabaad losoo jediyay shaqsi ahaantiisa.
Rufykiri ayaa ka hadlay fakarkiisa uu kaga horjeedo ololaha madaxweyne Nkurunziza uu mar saddexaad ku doonayo inuu xafiiska ku qabto.
Afhayeen u hadlay madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in Rufyikiri aan loo hanjabin, uuna sharaxay oo kaliya fakarkiisa.
Xiisadda ayaa kacsan Burundi kaddib todobaadyo dibadbaxyo rabshado watay oo looga horjeeday dib u doorashada uu madaxweynaha doonayo. Codeynta ayaa la filayaa in la qabto bisha dambe.