Madaxweyne Xasan shiiq oo ka hadlay wararka sheegaya isku shaandheynta lagu sameynaayo Xukuumada

0
417

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in isku shaandheyn lagu sameynaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Dowladiisu aysan qorshaha ugu jirin inay isku shaandheyn ku sameyso Golaha Wasiirada oo inta badan dadka shacabka ah ay aad u hadal hayaan.

Waxa uu sheegay in Wasiirada loo soo xulay inay dalka u shaqeeyaan kan howshiisu kasoo muuqan waayana ay suuragal tahay inay xilka ka qaadan maadaama uu yiri uu kasoo bixi waayay ujeedka xilka loogu dhiibay.

“Warar dadka ay isla dhexmarayaan oo ah in xukuumadda lakala dirayo ayaa jira taasi maaha mid sax oo wax walbo wanaagaa halaga eego warxumo tashiilka hala joojiyo xukuuamdda way jirtaa wayna jireysaa, way dhici kartaa wasiirkii xilkiisa gudan waayo in xilka laga qaado oo mid xilka ka soo bixi kara lagu badalo”

Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya xili inta badan warbaahinta maxaliga iyo shacabkuba ay yihiin kuwa hadal hayo isku shaandheyn lagu sameynaayo Xukuumada.

Imaradka Iyo Madaxweynaha Somaliya  (4)