Magaalada Dhuusa’Mareb Ee X/Gobolka Galgaduud Oo Degan Kadib Dagalkii Shalay…

0
440

Waxa Maanta Degan Xaalada magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud oo shalay iska horimaad ku dhaxmaray dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo ciidammada dowladda Soomaaliya.
Dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo dad-weynaha ayaa dib u soo laabanaya, waxaana meelaha qaar la arkayaa in dib loo furayo goobihii ganacsigii ku xirmay dagaalladii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada.
Ciidamada Ahlu Sunna aya la sheegay in ay fariisimo iyo saldhigyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha Magaalada iyadoo ciidammada dowladda ee laga saaray Dhuusa-mareeb gaareen degmada Cadaado.
Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka dowlada Somalia C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa ayaa ku tilmaamay taalaabada ay qaadeen Ahlusunna mid lagu carqaladeynayo shirweynaha ka soconaya magaalada Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe.
Dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada gobollada dhexe ayaa dhaq-dhaqaaqyadan cusub iyo is ballaarinta dagaallamayaasha Ahlu Sunna ku tilmaamaya kuwa siyaasadeysan oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin dhinacyo ku loolamaya awooda maamul iyo gacan ku heynta gobollada dhexe.