MMarkabkii Waday Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Oo Gaaray Boosaaso.

0
470

Markabka aay sarnayeen Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo shalay ka soo shiraacday Dekeda magaalada Mukala ee Dalka Yemen ayaa soo gaaray dekada weeyn ee Boosaaso, taasi oo qeyb ka ah dadaalada Dowladda Soomaaliyeed ay mar walbo kula garab taagantahay muwaadiinteeda.

Markabka oo ay saaranyihiin dad aad u fara badan oo dhibaatooyin kale duwan yemen ku heystay kuwaa oo saameyn ku yeeshay dagaalada u dhexeeya Dowladda Yemen iyo kooxaha ka horjeeda, ayaa waxaa dadkaasi ay isugu jiraan haween,waayeel,caruur, iyo dhalinyaro oo ay ka muuqato diif sida aay kuso waramayaan wariyaasha hiranweyn ee boosaaso.

Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Yemen Axmed Suudaani oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta maamulaya markabka ee dadkaasi ka soo qaaday Yemen oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in ay soo gaareen Xeebaha Boosaaso.