Musharax Axmed Cabdi Salaan”Shirka Cadaado Halaga Ilaaliyo In Uu Sababo Dagaal Sokeye

0
646

Safiirka dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Axmed Cabdisalaan Xaaji oo hadana ah Musharax utaagan qabashada xilka Madaxweyne nimada ee maamulka Gobolada Dhexe ayaa sheegay in ay suuragal tahay colaad uu kiciyo maamulka laga dhisayo Cadaado, wuxuuna sheegay in hada sida wax lagu wadaa ay tahay wado aan wax wanaagsan laga dhaxli doonin.

Safiirka ayaa sheegay in ay hada gobalada dhexe yihiin meel dadka degan ay yihiin kuwa is yaqaana, wuxuuna sheegay in Ahlu Suna ay maamusho inta badan ee gobaladaas, ayna diidan tahay shirka Cadaado, dawladduna iska dhago tirayso awoodaha iyo sharciyada kooxdaas.

Mr Axmed ayaa sheegay in uu isagu qabo cabsi ah in dagaalo Sokeeye ay dib uga dhalan karaan gobalada dhexe, hadii aan wax laga badalin sida uu hada ku socdo Shirka Cadaado.

Digniintan ka soo baxday Safiirka dawladda Soomaaliya ujooga dalka Itoobiya Axmed Cabdisalaan Xaaji ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo ay dawladda Puntland horay usheegtay in Maamulka Cadaado uu gobalka ukordhin doono amaan daro