Odayaal Iyo Siyaasiyiin Gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb Si ay Kaga Qeyb Galaan….

0
346

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka galgaduud ayaa waxaa gaaray Odayaal iyo Siyaasiin ka qeyb galayaShirka Maamulka loogu sameenayo Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ay sheegtay in ay ka Fureyso Magaalada Dhuusamareeb.
Waxgaradka ayaa waxaa Hogaaminaya Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor oo kamid ah waxgaradka Gobolada Dhexe kana mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee Degmada cadaado tagay.
Ujeedka Odayaasha iyo waxgaradka gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah in ay ka qeyb qaataan Shir Ahlusunna sheegtay in ay ka Fureeyso Magaalada Dhuusamareeb islamarkaana Maamul loogu sameenayo Gobolada Dhexe.
Ahlusunna ayaa sheegtay in Shir ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee kasoconaya Magaalada Cadaado ay ku qabanayaan Magaalada Dhuusamareeb,kaas oo loo qabanayo Dadka Gobolada Dhexe.