Puntland Oo Laga Taageeraya Dagaalka ay kula Jirto Ururka Al-shabaab

0
370

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxa Howl-gallada QM ee Amniga iyo Badbaadinta UNDSS, Nick Loven Teen oo fadhigiisuna yahay xarunta QM ee New York iyo wefdi uu hoggaaminayay.

C/weli Gaas ayaa Warbixin ka siiyay Nick Loven Ammaanka iyo Horumarka Puntland ka jira, isla markaana tilmaamay in maalin kasta ay Puntland ku taalabsanayso horumar dhan walba leh.

Sidoo kale, Nick Loven Teen ayaa dhankiisa maamulka Puntland ku ammaanay horumarka ay ku tallaabsadeen, wuxuuna intaas raaciyay in Qaramada Midoobay ay mar walba garab-taagan tahay Puntland, kana taageerayso dhinac walba si loogu sii socdo jidka horumarka.

Shirkan oo looga wadahadlay Arrimo badan oo muhiim ah, waxayna labada labada dhinac ku ballameen fulinta qodobbada la isla meel-dhigay iyo sii taageerada QM ee Puntland loo sii wadi lahaa.