Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa ka digay in xooggaga Daacish ay khatar ku yihiin jiritaanka reer Galbeed

0
347

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa ka digay in xooggaga Daacish ay khatar ku yihiin jiritaanka reer Galbeed.

Mr Cameron ayaa BBC u sheegay in xooggaga Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah Britain, isaga oo intaa raaciyay in dagaalka ka dhanka ah ururkaasi uu noqonayo “halganka jiilkan.”

Waxa uu wacad ku maray in ay qaadi doonaan jawaab celin buuxda oo ka dhan ah xooggagaasi mintidiinta ah.

Hadalka ra’iisul wasaare Cameron ayaa kusoo beegmaya iyadoo la ogaaday in ugu yaraan 30 ka mid ah 38-kii qof ee ku dhintay weerarkii Jimcihii ka dhacay Tunisia, ay ahaayeen British.

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa ka digay in xooggaga Daacish ay khatar ku yihiin jiritaanka reer Galbeed