R/wasaare ku xigeenka dalka oo shir caalami ah uga qeybgalaya Swizerland

0
335

R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa magaalada Gineva ee dalka Swizerlnd shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha shaqaalaha adduunka.

Shirkaani ay soo qaban qaaban qaabisay hay’adda shaqalaha adduunka ee magaceedda loo soo gaabiyo I.L.O. ayaa looga hadlayaa arrimaha shaqaalaha adduunka, waxaana Soomaaliya uga qayb galay wafdi uu hoggaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ay ka ka mid yihiin hay’ado matalaya shaqalaha rayidka ah ee Soomaliya iyo Rugta Ganacsiga Soomaliya ,

R/wasaare ku xigeenka oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in shirkaasi uu muhiim u yahay Soomaaliya, isagoo xusay iney halkaasi ku soo bandhigi doonaan xaalada shaqaalaha Soomaaliya.

Maxamed Cumar Carte (Qaalib)