Safarka Madaxweyne Obama Iyo Qoyskiisa Ku Iman Doonaan Kenya oo Ku Kacaya $5 Milyan Doolar

0
338
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa bisha July ee soo socota la filayaa inuu booqashadiisa ugu horreysay ku tago dalka Kenya, halkaasoo hal maalin oo kaliya uu ku sugnaan doono.Obama wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo isagoo xafiiska weli fadhiya cagtiisa dhiga dalka Kenya iyo guud ahaanba wadamada Bariga Afrika, taasoo uu kaga duwanaan doono guud ahaan 44-ka madaxweye ee soo maray dalka Mareykanka.

Obama ayaa furaya shirka arrimaha dhaqaalaha looga hadlayo ee “Global Entrepreneurship Summit” kaasoo sanadkan ay martigelineyso dawlada Kenya, kadibna wuxuu aqalka madaxtooyada Kenya kula kulmi doonaa madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku sanad dhalasho yihiin Obama. Waxa Obama ku wehlinaya safarkiisa labadiisa gabdhood iyo xaaskiisa Mitchel Obama.

Haddaba sheekada xiisaha leh ee socdaalka Obama hareysay, Si weyna saxaafadda uga hadashay ayaa ah lacagta faraha badan ee ku kacaysa socdaalka halka maalin ah ee madaxweynaha, xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood ku iman doonaaan caasimada dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Kenya ee Nairobi.

Socdaalkan ayaa lacagta ku kacaysa lagu qiyaasay illaa 5 milyan oo doolar, oo u dhiganta 5.7 Bilyan oo shilinka Kenya ah. Lacagtaasi waxay ka badan tahay miisaaniyada dawlada Kenya uga baxda maamul goboleedka Nakuru oo ka mid ah maamul deegaaneedka ugu waaweyn Kenya.

Lacagtan faraha badan ee ku kacaysa safarka Obama oo dabcan ah tan ay dadka Mareykanka canshuur ahaanta u bixiyaan, ayaa waxaa dhaliilay siyaasiyiinta iyo falanqeeyaasha dhaliila siyaasadda Obama, iyagoo ku sifeeyay xad ka bax aan loo baahneyn.

AMNIGA MADAXWEYNAHA

Dadka ka faalooda arrimaha amniga, ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee sare u qaaday lacagta ku baxaysa safarka madaxweyne Obama ee Kenya ay tahay dhibaatada amni ee hadda ka jirta Kenya, gaar ahaan khatarta ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, kaasoo dagaal kula jira dawlada Kenya, horeyna weeraro waaweyn ugu qaaday magaalooyin ka mid ah dalka Kenya.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa dawlada Mareykanka iyo aqalka cad waxay sii bilaaabeen diyaarinta amniga madaxweynaha bishii April ee sanadkan oo ahayd markii shaaca laga qaaday in Obama uu ku wajahan yahay dalka Kenya.

Illaa 200 oo ka mid ah ciidanka sida gaarka u tababaran ee Secret Service ee ilaaliya madaxda sare ee Mareykanka ayaa la geeyay caasimada Kenya ee Nairobi, kuwaasoo weli ku sugan halkaasi. Ciidankaasi waxay ku hubeysan yihiin hubka casriga ah iyo qalab teknolojid sare leh oo loo adeegsado ilaalinta amniga.

Ciidankan waxaa sii dheer kuwa ka socda hay’adda sirdoonka Mareykanka ee iyaguna dusha kala socda socdaalka madaxweynahooda ee horey u sii tagay Kenya.

Ka sokow ilaalada dadka ah, waxaa jira illaa 30-meeyo eeyaha sida fiican loo carbiyey ee sita derejooyinka askarta FBI iyo militariga, kuwaasoo loo adeegsanayo baaritaanada. Eeyahaasi waxaa ku jura eey 7-jir ah oo qiimahiisa lagu sheegay illaa $40,000 doolar kaasoo lagu tababaray urinta waxyaabaha qarxa iyo sunta ku dhow goobaha uu madaxweynuhu joogo ama uu tagayo. Dhamaan eeyahaasi waxaa hadda la keenay Nairobi.

GAWAARIDA IYO DIYAARADA MADAXWEYNAHA

Diyaarad gaar ah oo sida gawaarida gelbineysa madaxweyne Obama ayaa la filayaa in loo soo daabulo Nairobi hal maalin ka hor maalinka uu Obama ka soo duuli doono Washington DC. Gawaaridaasi waxaa ku jira baabuurka gaarka ah ee madaxweynuhu raaco ee “Cadillac limousine” oo loo yaqaano “THE BEAST”. Baabuurkan waa nooca gaashaaman ee aanay rasaastu karin.

Wuxuu leeyahay adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka iyo amniga.

Baabuurka Obama “THE BEAST” waxaa ku rakiban qalabka ka hortagga qaraxyada bambooyinka iyo miinooyinka, laga bilaabo taayirada baabuurka illaa dusha sare. Waxaana xitaa muraayadihiisu ka sameysan yihiin maado adkeysi u leh qaraxyada.

Dhakhtarka gaarka ee madaxweynaha iyo kalkaaliyaashiisa ayaa iyaguna saaran, halka baabuurka dhexdiisa ay ku rakiban yihiin qaboojiyaal lagu keydiya dawooyinka muhiimka ah iyo dhiiga madaxweynaha oo keyd ahaan loo wado iyo qalabka neefsiga ee oxygen-ka.

Kolonyada madaxweynaha la socon doonta waxaa kaloo ka mid ah baabuur ambulance loogu talagalay gurmadka deg dega ah markay jirto xaalad caafimaad oo deg deg ah.

Madaxweyne Obama, si la mid ah madaxda kale ee Mareykanka, wuxuu ku safri doonaa diyaaradiisa Air Force 1, oo iyada qudheeda ka kooban hal xaafad oo dhan. Waxay leedahay qeybaha jiifka, cuntada, isbitaalka iyo xafiiska madaxweynaha oo uu kala soconayo kana maamulayo shaqadiisa Aqalka Cad xitaa inta uu safarka hawada ku jiro.

Diyaaradan Air Force 1 ayaa madaxweynaha ku sugi doonta garoonka JKIA ee magaalada Nairobi.

Jariirada Washington Post ayaa qortay, in socdaalka madaxweynaha ee Kenya uusan waxba ka duwaneyn kii 2013 uu ku tagay wadamo ka mid ah Afrika sida Senegal, South Afrika iyo Tanzania halkaasoo hotelkii uu deganaa lagu dhisay muraayadaha dhumucda weyn ee ka sameysan waxyaabaha rasaastu karin [bullet proof glass] oo laga keenay Mareykanka, halka badweynta uu taagnaa markab dagaal oo nooca diyaaradaha xambaara ah oo Marines-ka Mareykanka leeyahay.

Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa CIA ayaa iyana hawada goobta uu uu joogo ku jiri doona mudada Obama ku jiro safarka.

CUNTADA IYO CABITAANKA

Sida ay qorayaan faaleeyashaasha arrimaha Aqalka Cad, Mudada saacadaha ee uu joogo Obama dalka Kenya, ma jirto wax cunto iyo cabitaan ah oo uu ka iibsanayo Kenya amaba gudaha Kenya looga keenayo. Diyaarad gaar ah oo ka mid ah kolonyadiisa ayaa keeneysa cuntadiisa iyo cabidiisa sida biyaha sifeysan, shaaha iyo waxyaabaha kale ee uu madaxweynuhu isticmaalo caadiyan.

Xubnaha qoyskiisa ee la socda Obama ayaa xitaa cuntadooda iyo cabidooda laga keenayaa Washington si looga taxadaro amnigooda.

XUBNAHA QOYSKA OBAMA

Xubnaha qoyska madaxweyne Obama ku wehlin doona safarka waxaa ka mid ah Malia Obama oo ah gabadha weyn ee Obama taasoo adda ah 16-jir. Malia waxaa calmaday wiil dhalinyaro Kenyan ah oo qareen ah, kaasoo sheegay inuu jacayl daran u qaaday Malia, inkastoo uusan weligiis si toos ah ula kulmin ama xitaa ula hadlin.

Ninkan oo lagu magacaabo Felix Kiprono oo aan la kulmay dhowaan ayaa ii sheegay inuu gabadha Obama ku doonayo 50 neef oo lo’ ah, 70 neef oo ido ah, iyo 30 neef oo ari ah. Xoolahaasi waa dalabka doonista gabadha oo kaliya ah.

Felix waxaa uu ka soo jeedaa qabiilka Kelinjin oo lagu tilmaamo qabiilka 2aad ee ugu badan qabiilada Kenya.
Felix wuxuu ii sheegay inuu jeclaan lahaa inuu la kulmo Obama iyo Mitchel si uu u weydiisto gabadhooda, isagoo muujiyey rajo ah inuu Malia guursan doono, marka ay gaarto 18-jir(haddiiba la siiyo ama ay iyadu rabto).

Ma cadda in ilaalada Secret Service ee haddaba jooga Nairobi iyo saraakiisha Kenya ay u ogolaan doonaan Felix inuu la kulmo qoyska koowaad ee dalka Mareykanka.

obama-best