Sargaal Katirsan Ciidamada Soomaaliland Oo Lagu Dilay Magaalada Ceer’gaabo

0
334

Taliyihii Guutada saddexaad ee Ciidamada Koofiyad Casta ee Maamulka Somaliland G/lle Siciid Cabdi Warsame ayaa xalay lagu dilay Degmada Ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag, iyadoo dilkan uu geystay askari Ciidamadiisa ka tirsanaa.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland, Axmed Cabdi Fly ayaa Xaqiijiyay Dilka Taliyahan ka tirsanaa Ciidamada Somailland, isagoo Shaaciyay in Askari Ciidamadiisa ka tirsan uu toogasho ku dilay.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadaami oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in Askariga dilay geystay uu sarkaalku horay u xiray, dhawaanna cafis lagu sii daayay, kaasoo ku dilay taliyihiisa Maqaahi Shaaha laga cabo oo uu joogay .

Sidoo kale Wasiirka ayaa intaas ku daray in Askarigii dilka geystay uu baxsaday, balse dabo-gal lagu hayo oo lasoo qaban doono, iyadoo wasiirku uu sheegay inay ka xun yihiin in Somaliland ay kusoo korortay dilalka ay askartu u geysanayaan saraakiishooda.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay xisado u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay inaysan arrintu ahayn sida loo sheegayo, wuxuuna intaas ku daray in rasaasta dhacaysa ay noqon karto mid damaashaad ah.